Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudigga doorashada Puntland oo la ansixiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

Waxayna codka ansixinta geliyeen guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaana ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday.

Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalalaase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this