Deeq A. Posted November 16, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta is hortaag lagu sameeyey Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo doonayey inuu gudaha u galo degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay inay u diideen inuu u soo gudbo qeybta ay ka maamulaan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haatan Sayid Aadan uu ku sugan yahay xero ciidanka Kenya ay ku leeyihiin halkaasi. Korneyl Axmed Maxamuud Mire oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyey xiisada ka taagan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites