Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalo xoogan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka koowaad oo ku bilowday weerar ay qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee gbolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal socday saacado badan oo labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi.

Dhinaca kale agagaarka degmada Awdheegle ayaa waxaa ka dhacay dagaal kale oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo isna muddo qaatay.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalladaasi ayaa guulo ka sheegatay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi.

Xaaladda ayaa hadda mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this