Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo kordhisay cunaqabateynta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ku kordhiyey cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa soo jeedisay qaraarkan, iyadoona ay 12 dal u codeeyeen in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya.

Codeynta oo ka dhacday magaalada New York ee xarunta guud ee QM ayaa waxaa qaraarkaasi ka aamusay dalalka Ruushka China iyo Equatorial Guinea.

Qaraarkan ay golahu ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la dhowro.

Dhinaca kale danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada sanadka ah ee lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horreysay cunaqabateynta la saaray bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this