Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
5-20.jpg?w=1000&ssl=1

Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  ayaa waxa soo xaadiray 50 mudane oo dhammaantood cod gacan-taag ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland.

Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay warbixin ka hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigeen arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay xilka hayeen.

Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin;  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.

  • 1-36.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this