Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Xidhay Masuul Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa sannadkii 2018kii waxay xabsiga dhigtay Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaanno (Abu Hatim, Mad Mullah and Puntlandersteni) oo ah ninka u qaabilsan ururka Daacish Diiwaangalinta iyo soo xerogalinta dadka ku soo biiraya ururka ee heer caalami.

FB_IMG_1573839581482.jpg

Warbixin uu soo saarey horraantii bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ninka lagu xidhay Somaliland uu u safray 12 dal oo Afrika iyo Bariga Dhexe ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Koonfur Afrika, Sucuudiga, Ciraaq, Kenya, Libya iyo Suudaan.

Macluumaadka ay Somaliland ka heshay ninkan markii ay xidhay waxaa ka mid ah: Qorshaha Fiditaanka Ururka Daacish ee Bariga Afrika (overall strategy of ISIL for expansion in East Africa) – sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this