Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddiga Doorashooyinka Oo La Horgeynayo Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Puntland la horgeeyo baarlamaanka maamulkaasi, oo shaqadii ugu horreysay qabanaya kadib doorashadii guddoomiye Cabdirashiid.

Xildhibaannada ayaa codka u qaadi doona guddigan si loo meelmariyo, waxaana guddiga TPEC haddii ay kalsoonida ka helaan baarlamaanka Puntland horyaalla shaqooyin culus.

Kulanka maanta waxaa shir guddoomin doona, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyey xil ka qaadistii Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed aanay qaban shaqooyinkii rasmiga ahaa, marka laga reebo doorashada guddoomiyaha cusub.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this