Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Itoobiya Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya uga wakiil noqonaya Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

safiirka-ethiopia.jpg

Munaasabad kooban oo loo sameeyay danjiraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya, iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalka Itoobiya.

Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya wakiilka uga noqonaya dalka Ethiopia ee warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this