Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Doonayay Inuu Is Qarxiyo Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay’addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo.

finish.jpg

Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu Is qarxiyo.

Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda.

Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga.

Si kastaba 24-ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this