Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaanka Af-Urur

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanka Af-Urur ee gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa timid, kadib markii shalay ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen halkaasi.

Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgala Af-Urur ayaa sheegay inay dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dishay 3 askari, kuna dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana howlgallo iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this