Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta ansixin doonoa guddiga doorashooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa saaka oo Sabtiya hortegaya mudanayaasha Baarlamanka Puntland, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayo, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  ayaa lagu ansixinta doona guddiga doorashooyinka, si ay u sii dardar geliyaan hawlaha horyaalla ee hirgelinta barnaamijka xisbiyada badan.

Guddiga ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, waxa ay warbixin ka hor-jeedin doonaan xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigayaan arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay shaqadan hayeen.

Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaall shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin;  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta ansixin doonoa guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this