Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Kooban:Tahriibayaal Somaliyi ku jirto oo shaaciyey in Hayada UN-ku sirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tahriibayaal Somaliyi ku jirto oo shaaciyey in Hayada UN-ku sirtay

  • qoxotirwanda.jpeg

Warbixin soo shaac baxday oo laga diyaariyay tahriibayaashan 180-ka gaadhaya ee la geeyay dhawaan dalka Rwanda islamarkaana laga daad-gureeyay dalka Libya ayaa waxaa ay sheegeysaa in qaxootigaasi la siray.

Qaxootigan oo ay ku jiraan soomaali ayaa waxaa ay u haysteen in loo waday dal ka mid ah dalalka Yurub oo ay horayba ugu haminayeen in ay qaab tahriib ah ku gaadhaan, balse waxaa ay sheegeen in dib loogu celiyay kaam kale oo ku yaal Afrikadii ay gaajada iyo colaadaha uga soo carareen.

Midowga Yurub ayaa heshiis kula galay dowadda Rwanda sannadkii 2017-ka in ay gabbaad siiso qoxootiga ama tahriibayaasha afrikaanka ah ee ku sugan Libya, waxaana magaalada Gashora ay uga hirgelisay kaamam waaweyn oo ay kharashkiisa bixiso.

Qaxootigan oo tiro ahaan la sheegay in ay gaadhayaan 30-kun, ayaa waxaa raacii ugu horreeyay oo ka kooban 189 ruux la geeyay dalka Rwanda bilo ka hor, waxaana u badan carruur iyo dhallinyaro, sida ku cad warbixinta.

qoxotirwanda1.jpeg qoxotirwanda2.jpeg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this