Sign in to follow this  
Deeq A.

Qunsulka Isreal U Fadhiya Newyork oo Fadeexad iyo Waji-Gabax Kala Kulmay Jaamacada Harvard

Recommended Posts

Deeq A.   

Qunsulka Isreal U Fadhiya Newyork oo Fadeexad iyo Waji-Gabax Kala Kulmay Jaamacada Harvard

Maalintii arbacadii ee toddobaadkan waxaa ka dhacday Hoolka Kuliyada qaynuunka ee jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka arrin soo jiidatay warbaahinta caalamka, ka dib markii 100 arday ay ka dareereen hoolka markii uu soo galay qunsulka Isreal u fadhiya Newyork , kaasi oo khudbad u jeedin lahaa ardayda.

000_955af-1024x682.jpg

Qunsulkan oo Lagu magacaabo Dani Dayan, markii uu bilaabay khudbadiisa ayaa 100 arday oo kuliyada qanuunka dhigtaa waxay ka dareereen hoolka iyagoo la soo baxay hal-ku-dhigyo ay ku qornaayeen ” Degaamada Yuhuud ka dhisteen Dhulka Falastiin waa dambi dagaal”. Ardaydan oo aamusan ayaa dhabarka u jeediyay qunsulka ka dibna hoolkaba isaga baxay

Khudbada uu qunsulku ka jeedin lahaa hoolka Jaamacada ayaa la xiriirtay ayaa la xiriirtay sharcinimada degaamada Yuhuudu ka dhisteen dhulka Falastiniyiinta, hase yeeshee wuxuu khudbad u jeediyay kuraas maran, wuxuuna ka kulmay yax yax iyo wajigabax.

Muuqaal laga duubay dhacdadaasi oo lagu baahiyay baraha bulshadda ayaa dadku aad u soo dhaweeyeen iyagoo geesiyaal ku tilmaamay ardaydii ku mudaharaaday qunsulka iyo degaamaynta Yuhuudu ay ka wadaan dhulka falastiyiinta.

Qunsulka Isreal ee Newyork Dani Dayan wuxuu hore u hoggaamin jiray koox yuhuud ah oo dhaqdhaqaaqda xuquuqda yuhuuda la dajiyay degaamada Falastiyiinta

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this