Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safiirka cusub ee Somalia u fadhiya Itoobiya oo warqadaha laga guddoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde ayaa waxay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoontay Danjiraha cusub Somaliya ee dalkaasi, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey).

Madaxweynaha Itoobiya ayaa waxay Danjiraha Somaliya ku qaabishay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Addi Ababa, halkaasoo ay uga guddoontay waraaqaha lagu soo casuumay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa wafdigiisii ka mid ahaa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland.

Camey ayaa la shaqeeyay Dowladda Somaliya, xilligii kala guurka ee Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona ay tallaabadaasi ku kala fogaadeen Madaxweyne Gaas.

Taasi ayaa waxaa loo maleynaya inay sahashay qorshaha Villa Somalia ugu magacawday Camey inuu noqdo Danjiraha Somaliya u fadhin doono Dalka Itoobiya.

EJbEGXcX0AE70b3.jpg EJbEGXkWwAA6QwD.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this