Deeq A. Posted November 15, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Waxaa soo dhowayn u sameeyey Saraakiisha Ciidammada Qalabka sida Qaybaha Booliiskuna ugu horeeyaan ee ka Howlgala Galmudug. Mr Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkiisu daaran yahay xaqiijinta ammaanka iyo soo celinta xasiloonida. Taliyaha ayaa tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha isla markaana ku tartarsiin doono in ay xoojiyaan howlgalada amni sugitaanka. Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhowaan ka qabsoonto doorashadda madaxweynaha Galmudug, taas oo ay u taagan yihiin dhowr murashax oo caan ka ah goboladaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites