Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo dhaqaale horleh ugu deeqay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo  howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF)  iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this