Deeq A. Posted November 15, 2019 Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah waxay soo dhoobtay sohdinta 500-KM ah oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya. Warar ay heshay idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in ciidamada ay gaaf-wareegayaan tuulooyinka waaweyn ee ku dhow xadka. Dadka degaanka ayaa sheegaya in askarta oo wata gaadiidka dagaal ay su’aallo waydiinayaan dadweynaha. Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan. Balse waxaa lagu macneeyay in ay salka ku hayso cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulineysa weeraro dhimasho badan sababa tan iyo markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites