Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalyano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaabkii weeraray ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Af-Urur,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab weerar gaadma ah at ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oo dhinacyadu Isku adeegsadeen

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen laba kamid ah Ciidamada Puntland Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dagaalku  uu socday ku dhawaad saacad isla markaana ay dib u wiiqeen xoogaggii ka tirsanaa Shabaab ee dagaalka ku soo qaaday.

Korneyl Maxamuud Maxamed (Aarsade) ayaa sheegay in labo askari ka dhimatay saddex kalena ka dhaawacmeen halka uu sheegay in Al-shabaab ay ka dileen ilaa iyo 5 ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday.

Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ayaa Al-Shabaab dhowr jeer weerareen, iyaga oo la wareegay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa  sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this