Deeq A. Posted November 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadey hadal dhowaan kasoo yeeray dhigeeda Kenya. Hadalkaas ayaa wuxuu ahaa in madaxweyne Farmaajo ogolaaday in dacwadda badda lagu dhameeyo miiska wada hadalka kadib kulankii Uhuru Kenyatta. Hase ahaatee, Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda aysan gorgortan ka galeyn kiiska badda. Mr Cawad ayaa daboolka ka qaaday in kiiskan ay go’aan kasoo saari doonto Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi ayaa isla gartay in lasoo celiyo xiriirka labada dal, duulimaadka tooska iyo visaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites