Deeq A. Posted November 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Afhayeenkii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiim Axmed Maxamed [Dhoobo Daareed] ayaa eedeyn u jeediyay madaxweyne Deni. Mr Dhoobo oo qaybo kamid ah warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadey in uu burburay maamulkii lagu heshiiyey ee Puntland. Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa tibaaxay in Deni uu doonayo in baarlamaanku noqdo mid fuliya danihiisa. Xildhibaankan laga soo dooro gobolka Sanaag ayaa hoosta ka xariiqay in Deni sidoo kale doonayo maamul ka shaqeeya danaha beeshiisa. Hadalkaan ayaa imaanaya xili Puntland ay ka jiro xasarad siyaasadeed, taas oo ka dhalatay xilka ka qaadistii Dhoobo, wallow la doortay gudoomiye cusub oo rasmi ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites