Deeq A. Posted November 15, 2019 Boosaaso (SMN) – Inkasta oo xaaladda gobolka ay haatan tahay mid degan, haddana waxaa laga cabsi qabaa in ay mar kale soo cusboonaato. Xubno kamid ah bulshooyinka dega gobolka Bari oo kulmay ayaa soo saarey digniino cod dheer ah iyo baaq ku socda mas’uuliyiinta iyo dhinacyada. Digniintooda ayaa ku saabsan cabsida laga qabo in gobolka Bari uu mar kale ka qarxo dagaal beeleed dhiig badan uu ku daato. Baaqooda ayaa wuxuu salka ku hayaa in la qaboojiyo xiisadda isla markaana waanwaan iyo wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanta. Tani ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan magaaladda Boosaaso uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeya maleyshiyo beeleed iyo ciidanka dowladda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Xal-waara.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites