Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo shaacisay ‘qorshe socda oo loogu soo adeegsan rabo Itoobiyaan’

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirrada Jubbaland ee shalay ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaanada Jubbaland, sida khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo dhaqdhaqaaqyada ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shirka kadib  madaxtooyada Jubbaland warbaahinta kula hadlay ayaa ka digay faragalinta ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, isagoo sheegay in dowladda dhexe ay burburinta maamulka Jubbaland u adeegsanayso ciidamada dowladda Itoobiya.

“Goluhu waxay siguud walaac uga muujiyeen xaaladaha faragelineed ee lagu hayo dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo ka imaanaya dowladda federaalka iyo dowladdo taageera oo si khaldan awoodooda naguula adeegsanayo, waxaa shirka golaha diiradda lagu saaray xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxaa la yaab leh in saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo adeegsanaya saraakiil ka socota dowladda aan deriska nahay ee Itoobiya inay ku mashquulsanyihiin sidii loo burburi lahaa ciidanka Jibbaland ee ka howlgala gobolka Gedo si loo wiiqo maamulkii ay ku heshiiyeen dadka deegaankaan, iyaga oo adeegsanaya awood iyo siyaasad guracan.

Sidoo kale waxaa layaab nagu noqotay todobaadkii lasoo dhaafay markii maamuladii Jubbaland uga howlgalayay degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-Xaawo si sharci darro ah shir lagu geeyay gudaha Itoobiya, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiil ka socotay dowladda federaalka, kuwaas oo ku qasbay wax sharciga dalka ka baxsan oo ah in ciidamada Jubbaland ee iyaga hoos taga ay ku wareejiyaan dowladda dhexe, si loogu soo daayo wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan”.

Ugu dambeyntii Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa yiri, “Waxaa la yaab leh in xukuumadda maanta jirta ay ku mashquulsantahay kaambeyna ugu jirto in dadkii Soomaaliyeed ee doortay ay u adeegsato ciidamo shisheeye oo ay ku bixinayaan dhaqaale iyo waqtiba taasna wax aan qaada karno maaha”.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this