Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo sharxay kulankii Farmaajo iyo Uhuru una jawaabay Monica Juma

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirkooda.

“Kiiskii badda wuxuu jirayaa maxkamadda ICJ, madaxweynaheenuna si cad ayuu u sheegay. Waxaana lagu heshiiyey in xiriirka labada dal lasoo celiyo ayada oo arrinta baddana aysan saameyn.” Ayuu yiri.

Cawad oo wax laga weydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ee ah in Farmaajo ogolaaday in kiiska ICJ laga gaaro xal ay ku wada qanci karaan labada dal ayaa sheegay in taasi aysan jirin.

“Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Cawad

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/d566dd46-87ed-43f9-ba09-16d9b4db07fb_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this