Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo iyo Uhuru oo wada-hadal ku leh Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi wada-hadallo kula leh madaxweynaha dalak Kenya Uhuru Kenyatta.

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Cabdinuur ayaa sheegay in kadib wada-hadallada ay labada madaxweyne qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faah-faahin doonaan waxyaabaha ay isku afgarteen

Illaa hadda lama yaqaan waxa ay ku saabsan yahiin wada-hadallada u socda labada dhinac, mana cadda in xiisadda badda ay qeyb ka tahay.

Naga filo faah-faahin iyo waxa kasoo baxa wada-hadallada dhowaan Insha Allah.

EJVxlHdXsAASaON.jpg EJVxlHfW4AAhaqQ.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this