Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka EU-da

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub.

F2.jpg F3-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this