Deeq A. Posted November 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukunno ku ridday afar dhalinyaro. Shaqsiyaadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan. Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 23-jir, ina Wiilo Axmed Maxamed, ku dhashay Diinsoor, ayaa garka loo geliyey xukun dil toogasho ah. Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, 21-jir, ina Kaamilo Maxamed, kuna dhashay Xamar, ayaa waxaa isana loo go’aamiyey dil toogasho. Maxamed Axmed Cismaan Cumar, 24-jir, ina Aamino Siidow Farey, ku dhashay Xamar, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in Ismaaciil Maxamed Aweys, 24-jir, ina Baarliin Sheekh Aadan, ku dhashay Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, ayaa helay xabsi daa’in. Inta badan maxkamadda ayaa waxay xukuno ku ridaa xubnaha lagu soo eedeeyo Shabaabnimadda ee loo tiiriyo dilal iyo qaraxyadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites