Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Bilaabaya Howlgallo Lagu Furayo Waddooyinka u Xiran Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo lagu furi doono waddooyinka u xiran Xarakada Al-shabaab.

Jeneraal Maxamed Sheekh C/laahi, taliyaha cusub qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furi doonaan waddooyinka xiran, shacabkuna uu si xor ah ku isticmaali doono.

Meelaha ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fulin doonaan ayaa ah gobollada Koonfur Galbeed oo waddooyin badan aanay shacabku mari karin.

Al-shabaab ayaa go’doon geliyey qaar ka mid ah degmooyinka gobollada dalk, waxaana ay xirteen waddooyinka gala degmooyinkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this