Deeq A. Posted November 14, 2019 Garowe (SMN) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu doortay gudoomiye cusub markii xilka ka qaadeen afhayeenkii hore. Doorashadaan oo ay codkooda ka dhiibteen 63 mudaneyaal ayaa waxaa ku tartamay Cali Axmed Dhahar, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Coddeynta oo laba wareeg loo galay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo noqday afhayeenka cusub ee Golaha wakiiladda. Natiijadda wareega koowaad ee coddeynta Cali Axmed Dhahar 12 cod Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 cod Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 34 Natiijadda wareega koowaad ee labaad Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46 View the full article Share this post Link to post Share on other sites