Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Jibriil.jpg?w=1000&ssl=1Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrill

Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib markii ay todobaadkii hore xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii hore, Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo).

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 63 mudane, ayaa  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46-cod ka helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod.  Saddex xubnood oo keliya  ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamanka.

Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kal ah; guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST

The post Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this