Deeq A. Posted November 14, 2019 Beledwayne (SMN) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay in uu cadaaladda marsiinayo dad musuqmaasuqay gurmadka Beledwayne. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda gobolka Hiiraan ayaa wuxuu u digay qof walba oo ku fekeraya in uu wax is-dabamarin sameeyo. Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadda ay dabagal badan ku sameyn doonan shaqsiyaad laga shakisan yahay. Tani ayaa kusoo aadeysa markii shalay la qabtay laba qof kuwaas oo leexsaday gurmad loo waday shacabka dhibaateysan ee Beledwayne. Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal abaabulan oo ciidamada ka sameeyeen magaaladda Beledwayne. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/HirShabelle-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites