Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Oo Brussels Ku Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Kulanka.jpg?w=1000&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre  iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay xariirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay Midowga uga go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Oo Brussels Ku Kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this