Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Sheegtay Inay Tallaabo Ka Qaadayaan Universal Tv

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Wasiirka Warfaafinta maamul gobolleedka Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo ka hadlay barnaamij ka baxay telefishinka Universal oo lagu dhaliilay xukuumadda Madaxwayne Deni.

hqdefault.jpg

Barnaamijkan oo uu tabinayay wariye Cagta Xaaji ayaa si adag Xukuumadda Puntland ugu dhaliilay cabudhin dad-wayne iyo arrimo kale.

“Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yidhaado Ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiir Sabareey ayaa sheegay inay maamulka sare ee telefishinka Universal wax ka waydiin doonaan dhaliilaha ku xusan barnaamijka ka baxay telefishinkaasi.

“ TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xidhiidhi doona insha Allaah”ayuu sii raaciyay wasiirku.
Wasiirka waxaa uu Universal TV ku eedeeyay in uu kicin dadweyne sameeyay, balse ayna waxba ka jirin arrimaha uu ka hadlay, isagoo ku hanjabay in maamulka Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto haddii loo baahdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this