Deeq A. Posted November 13, 2019 Wasiir Beyle oo yimid Garowe Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Wasiir Beyle iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Wafdigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garowe oo looga hadlayay hannaanka Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maalmaha soo socda ka qeybgala shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka oo ay martigasay Puntland. Shirkan waxaa qeyb ka ah Guddiga Maaliyadda Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo madaxda Maaliyadda dawladda Federaalla iyo kuwa dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Federaalka oo yimid Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites