Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo hal arrin ka dalbaday beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka.

“Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this