Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi oo sharxay afar farriin oo uu xambaarsanaa hadalkii Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka sharaxaad ka bixiyey dadkii uu ku socday hadalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ay ka carroodeen taageerayaasha Nabad iyo Nolol, isagoo u qeybiyay afar qeybood oo uu dusha u saaray dhibaatadii dalka soo martay. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook.

Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane!

“Hadalkii Sheekh Shariif ee dad badani ay aadka u falanqeeyeen maalmihii la soo dhaafay waxaa ku jirey afar nooc oo dad ah oo dalka dhibkii soo marey qeyb ka ahaa oo saddex ka mid ah dhibkoodii umadda la dhaafsiiyey, qeybta u danbaysana digniin culus loo direy..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo afarta qeybood ee Sheekh Shariif u dan lahaa ka dhigay sida soo socota:

1) Qeybta koowaad: **********tii dhibka umadda ku heysay ayaan dalkaan ka saarnay ayuu xusay! nin ayaa u hadlay kuwaas oo isla maalintii xigteyba shir jaraa]id qabtey asagoo ciil la hinraagaya ayna u wehliso mugaan dhawaaqo dheef i sii!.

2) Qeybta Labaad; ciidamadii Tigreega iyo dabadhilifkoodii dalka ku soo duuley ayaan xoog ku bixinnay ayuu yiri; ayadana waxa ka xanaaqey afhayeenkoodii waagaas oo hadda baagamuudo ku ah MUQDISHO ka djb markii xasuuqa dadkiisa loo adeegsaday, haddana cayda dadkiisa loo adeegsanayo, ninkaasi umadda ilaahay wuxuu ugu jecel yahey kuwii uu u shaqayn jirey cidda u shaqaysa!

3) Qeybta Saddexaad: Alshabaab iyo argagixisadii in Muqdisho iyo gobollada u dhow awood looga saaray ayuu tusaale u soo qaatey, ayagana waxaa u hadlay aasasahoodii oo alshabaabkii laftoodii ay soo dayriyeen ka dibna dooni ay la soo caariday sanadkii 2013, haddana xabsi guri ku ah Muqdisho. Asna wuxuu soo goconayaa jabkii August 2011 looga saarey Muqdisho.

4) Qeybta Afraad: aaway jawaabtii madaxweyne Farmaajo qeybtii ka khusaysay hadalka Sheekh Shariif? mise wuxuu ku kaaftoomey oo qancisay hadalkii “waxaad sheegto ha waayinta ahaa” ee Maareeye saq dhexe oo habeennimo asagoo calwasaadaya uu ku qeyliyey? nimankaas soo jabey warkooda kuma ilaawayno inaan ku weydiinno jawaabtii afraad ee lagaa sugaayey? Sharciga qaado ama shaarica qaad?.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu la macno ahaa “Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane”, wuxuuna intaas ku daray: “Dadkii aan taariikhahaas soo joogin waxey kala barteen qolooyinkii uu Sheekh Shariif sheegay oo ayaga oo nool banaanka isa soo dhigey kadib hadalkiisii uu ku hogo tusaaleeynayey kooxda Villa Somalia in wadada sharciga ay dib ugu soo noqdaan!..”

Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this