Deeq A. Posted November 13, 2019 Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay rag hubeysan oo barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay degmadaasi. Ragga la qabtay oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in israsaaseyn ay dhexmartay iyaga iyo ciidamada dowladda, taas oo ka dhacday Suuqa Weyn ee degmada Wadajir. Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa waxaa la sheegay mid ka mid ah uu dhaawaca ahaa, waxaana lagu wareejiyey hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Qof goobjooge ah oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wara.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites