Deeq A. Posted November 13, 2019 Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in nawaaxiga kantaroonka Boosaaso ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo ka yimid dhinaca degmada Carmo. Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux ayaa doonayey in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda. Xiisaddaasi ayaa sida la sheegayo ka dhalatay muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Goob-joogayaal ayaa sheegaya in mararka qaarkood rasaas laga maqlayo nawaaxiga labada ciidan isku hor-fadhiyaan, inkastoo aan wax faahfaahina laga hayn, in khasaare halkaasi ka dhashay. Faahfaahinta kala soco: Puntland Post The post Ciidamo isku hor-fadhiya kantaroolka magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites