Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , ayaa Shalay kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto.

Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas.

Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood.

K4.jpg k3.jpg k2.jpg K1.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this