Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo war ka soo saartay fatahaadaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa.

Halkan hoose ka akhriso: warsaxaafadeedka ay xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadaha ay ka soo saartay Dowladda Soomaaliya

Halkan hoose ka akhriso:

War-Saxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa. Dowladdu, waxay mahad celin balaaran u jeedinaysaa ganacsatada Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda gurmadka xoogga leh oo ay u fidiyeen walaalahooda ku wax yeeloobay daadadka ku soo rogmaday iyo fatahaadaha webiyada. Sidoo kale,Dowladdu waxay marlabaad umahadcelinaysaa Dowladaha saxiibada caalamka ee gurmadka fatahaadaha ka gaystay gacan wayn. Gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu saameeyeen wuxuu u socdaa si habsami leh, waxaana laga gaaray guulo lataaban karo muddo kooban. Dwladda soomaaliya waxay rajo weyn ka qabtaa inuu si guul ah ay ku soo gaba gaboobaan labadii weji ee hore qorshii ay dejisay dowladu ee afarta weji ahaa inkastoo ay dadku ay u baahanyiihin caawin ilaa inta ay dib uga soo ceshanayaan noloshoodii. Sidoo kale waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad in dib ugu celin dadka barakacay guryahoodii iyo dayactirka iyo dib u hawlgelinta goobihii adeega Bulshada sida iskuuladii, goobihii Caafimaad iyo wixii la mid ah. Waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad iyo kii afraad ee Qorshaha, sidaas awgeed, Dawladdu waxay Shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Dawladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan Gurmadka iyo Taakulada la gaadhsiinayo dadka ay roobabka iyo Fatahaadu wax yeeleeyeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this