Sign in to follow this  
Deeq A.

87 ka mida Culimada ugu caansan Dunida Muslimka oo shaaciyey Go’aan ka dhan ah Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

87 ka mida Culimada ugu caansan Dunida Muslimka oo shaaciyey Go’aan ka dhan ah Imaaraadka Carabta

 preachers.jpg

 87 ka mid ah culimada ugu caansan dunida Islaamka, ayaa Carabta iyo Mulimiinta kale ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta.

Waxay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay fuliyaan shirqoolo ka dhan ah Muslimiinta Islamarkaana ay ku cayaarayaan nolosha Muslimiinta dalalka Yemen iyo Libya.

Culimada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen ganacsatada muslimiinta ah inay ka guuraan Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay qaadacaan inay waxa kala soo degaan dekedaha dalkaas, sababtoo ah waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka.

Waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta ay dhaqaalahooda u adeegsanayaan inay ku dilaan Muslimiinta, ku iibsadaan calooshood u shaqeystayaal, ku agaasimaan afduubyo ka dhan ah dowlado sharci ah, islamarkaana ay ku hor-istaagaan rajada dadka Carabta ah ee sameynaya kacdoonada si ay isaga dul-qaadaan maamullada daba-dhilifyada ah ee caburinta ku haya.

“Imaaraadka waxay sidoo kale shirqoolaan walaalaha Falastiin ayaga oo la safan Yahuudda.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Culimada ayaa baaqooda saldhigga ugu dhigay aayadaha qur’aanka iyo axaadiista sheegaya “inay qasab tahay in cadowga la wiiqo dhaqaale ahaan, si looga hortago burburka iyo fisqiga ay ku fidinayaan dhulka Islaamka.”

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this