Deeq A. Posted November 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Ku simaha duqa Muqdisho ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, ayaa kormeer isla xisaabtan ah ku sameeyay baraha Kontarool ee lagu qaado canshuuraha gaadiidka. Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim Dheere) ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Intii ay socdeen howlgaladda ayaa waxaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad si sharci daro ah u qaadayey canshuur boona la’aan ama canshuur aan tixraac la heyn. Ibraahim Dheere ayaa daboolka ka qaaday in ay ka go’an tahay dagaalka ay kula jiraan xubnaha noocaan ah, ayna sii laba jibaari doonan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Yee.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites