Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo kulan la qaatay Madaxweynaha Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mudane Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Faransiiska ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Emmanuel Macron.

Kulankan oo ahaa mid soo dhoweyn ah ayaa waxaa labada mas’uul ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo taageerada uu Faransiiska siiyo Soomaaliya.

Emmanuel Macron ayaa xukuumadda Soomaaliya ku ku booriyey dadaallada ay waddo iyo horumarka kala duwan ee laga gaaray siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn Khayre ayaa uga mahadceliyey dowladda Faransiiska soo dhoweeynta ay u sameysay, wuxuuna dalkaasi uga qeyb galayaa shirka Nabadda Paris.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this