Sign in to follow this  
Deeq A.

Machadka Heritage oo shaaciyey in xaaladda dalka ay mareyso meel halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Machadka Heritage ee ka faalooda arrimaha siyaasadda, Mudane Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka digay sii socoshada xiisada u dhexeysa labada dhinac, wuxuuna sheegay in haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel halis ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya aysan xiise u qabin dagaal siyaasadeed ee loo baahan yahay in laga shaqeeyo xasiloonida dalka, isagoona intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya saboolnimo aysan xamili karin dib u dhac kale.

“Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan.”ayuu yiri agaasomaha Cabdirashiid.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inuu noqdo Aabe muqaal u ah Qaran guuleystay, islamarkaana uu ka shaqeeyo horumarka iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey Madaxweynaha inuu xoojiyo dadaalka Al-Shabaab, sidoo kalena uu la heshiiyo Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

“Mudane Madaxweyne Farmaajo waajibaadkaada shaqo ma aha in aad cashar barto siyaasiyiin ee shaqadaadu waa inaad noqoto aabe muuqaal u ah qaran guuldareysatay, Waxaa lagaa rajeynayay in aad heshiis la gaarto Al Shabaab, Somaliland, Puntland, Jubaland, Siyaasiyiinta Muqdisho, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay nabad qiime kasta ha ku kacdee.” ayuu ku soo gabagabeeyey, Agaasimaha Machadka Heritage.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid kacsan, islamarkaana dhaq dhaqaaq laga dareemayo Muqdisho, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this