Deeq A. Posted November 12, 2019 Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan qeybo badan ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab qarax miino ay kolonyo ka tirsan AMISOM kula eegteen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay in qaraxaasi miino ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana dhaq dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites