Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Waajid

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka oo xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa K/Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta degmadaasi.

Intiisa badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi.

Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshihii ugu dambeeyey ee lagu furayo wadooyinka ay jareen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Bakool inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Shalay ayey aheyd markii wafdi uu hoggaaminayo Madaxaweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay gaareen degmada Waajid, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-38 3-28 2-34

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this