Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed ka xiga degmada Galkacayo ayaa waxaa lagu qaaday dad rayid ah oo la socday gaari siday Dhuxul, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka uu ku dhawaawamay mid kale, qofka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka Dhuxusha shidayey, halka midka kale uu ka mid ah maleeshiyaadkii fuliyey weerarka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi oo xiisad cusub ka abuurtay deegaanada dhaca koonfurta Mudug.

Inta badan waxaa dilalka ka dhaca gobolka Mudug ay salka ku hayaan kuwa la xariira Aanooyin Qabiil, taas oo in muddo ah xal loo la’yahay.

Mamaullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland oo marar badan ka shiray weeraradan ayaa isla gartay in meel looga soo wadajeesto maleeshiyaadka huwan maga Qabiilka ee dhibaatooyinka kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this