Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Sare oo war culus kasoo saartay dacwadii xisbiga Himilo Qaran uu ka gudbiyey DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf oo la hadlay lanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa  ka hadlay dacwaddii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka gudbiyay madaxda dowladda federaalka.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan dacwadaas  maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysigeeda dacwadda uu u soo gudbiyey Xisbiga Himilo Qaran eek u aadan xayiraadii garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweyne Shariif Sheikh.

Baashe Yuusuf guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in haatan ay maxkamaddu awood u leedahay in ay qabato kiiskaas ayna madax banaantahay, isagoo sheegay in dhinicii kale ee ay ku socotay dacwadu ay la wadaageen ayna ka soo jawaabeen.

Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka hogaamiyana uu ka yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmed ayaa dacwad ka dhan ah xayiraddii safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo bishii September u gudbiyay Maxkamadda Sare.

Halkaan ka Dhageyso:

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/cod-1-abdiqani-.mp3

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this