Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu gaarey magaaladda Nairobi, caasimadda waddanka Kenya, halkaas oo si balaaran oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Nuur Diiriye Xers.

EJGqYHgXkAY-vTb.jpgEJGqYIUWsAAueGb.jpgEJGqYHrXUAA4w6L.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this