Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre oo faahfaahiyay qodobada looga hadlayo Shirka Paris

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada Amniga iyo Waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris ee caasimadda Faraniiska halkaasi oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda Paris oo maanta furmaya

War-saxaafadeed ka soo baxaya xafiiskiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in mudada uu socdo shirka Madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka uu  Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar ah la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya mudda saddex maalmood ah uu Ra’iisul wasaare Khayre u  safri doono magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

1-24.jpg?w=1000&ssl=1 2-16.jpg?w=1000&ssl=1 3-13.jpg?w=1000&ssl=1 4-14.jpg?w=1000&ssl=1 5-13.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre oo faahfaahiyay qodobada looga hadlayo Shirka Paris appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this