Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay degmada Kaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga dowladda ayaa maanta kulan looga hadlayey amniga ku yeeshay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa falalka liddiga ku ah amniga ee mararka qaar ka dhaca degmadaasi.

Saraakiishii ka hadashay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe walaac xoogan laga muujinayey amniga degmooyinka Kaxda, Dharkenley iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this